Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

RW Khayre oo kormeeray Xarumo dowladeed & Suuq caan ah (Daawo Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta kormeer ku tegay xarunta wasaaradda maaliyadda iyo saldhigga booliiska degmada Xamar Weyne ee gobalka Banaadir.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa xarunta wasaradda maaliyadda kula kulmay wasiiru dowlaha wasaaradda ahna ku-simaha wasiirka, xisaabiyaha guud iyo agaasimaha guud ee wasaardda, waxa uuna kala hadlay dardar gelinta shaqooyinka hor-tebinta leh ee wasaaradda gaar ahaan halbeegyada wasaaraddu ay ku leedahay tubaha qaranka.

Saldhigga booliika degmada Xamar Wayne ayuu Ra’iisul Wasaare Khayre sidoo kale kormeer ku tegay, waxa uuna war-bixinta amniga degmada ka dhagaystay taliyaha saldhigga, isaga oo ku bogaadiyay shaqada ballaran ee ay booliisku bulshada u hayaan.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa ugu dambayn booqasho ku tegay suuqa degmada Xamar wayne ee gobalka Banaadir, waxa uuna qaar ka mid ah ganacsatada iyo dadka usoo dukaamaysiga tegay ka waraystay xaaladda ganacsi iyo amni ee suuqa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Gaadiid shixnado gargaar ah sida oo Maalintii labaad galay Gaza (Sawirro)

Caydiid Ali

Milateriga qabsaday xukunka dalka Gabon oo Magacaabay hogaamiye KMG ah

Caydiid Ali

War cusub oo laga soo saaray xiliga uu furmayo shirka dib u heshiisiinta Galmudug (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---