Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Midowga Yurub oo gaadiidka Dab damiska iyo Ambalaasyo ku wareejiyay G/Banaadir (Sawirro)

Midowga Yurub ayaa maanta maamulka gobolka Banaadir ku wareejiyay gaadiidka Dab damiska iyo sidoo kale ambalaasta, waxaana gaadiidkan loogu tala galay in loogu adeego shacabka magaalada Muqdisho.

Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Amb. Garrido Ruiz Fulgencio ayaa gaadiidkan dab damiska iyo amblaasta maanta ku wareejiyay Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Yariisow.

Amb. Garrido Ruiz Fulgencio ayaa tilmaamay in Midowga yurub ay ka go’an tahay garab istaaga mashaariicda lagu horumarinaayo Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, waxa uuna sheegay in deeqdan ugu tala galeen in ay ku caawiyaan dowlada hoose ee Xamar.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Yariisow ayaa dhankiisa uga mahad celiyay Midowga Yurub gaadiidkan Dab damiska iyo amblaasyada ee ugu deeqeen, waxa uuna sheegay in shacabka caasimada loou adeegi doono gaadiidkan.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa marar badan lagu wareejiyay gaadiidka gurmadka dega dega, ambalaasyo, gaadiidka dhismaha iyo gaadiid kale oo badan, waxaana dhacday in gaadiidkaasi gobolka la siiyay qaarkood in ay galeen gacmo shaqsiyaad gaar ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

(Akhriso) Shirkii Dhuusamareeb oo la soo gebagebeeyey iyo War Murtiyeed ka soo baxay

Caydiid Ali

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka qayb galay Kalfadhiga 40-aad ee Golaha Fulinta Midowga Afrika

admin

Wararkii Ugu Dambeeyay Iska hor imaadkii maanta ka dhacay magaalada Kismaayo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---