Allbanaadir.com
NEWS

Dowlada Soomaaliya oo beri fasaxday Shaqaalaha kala duwan ee Dowlada

Wasaarada Shaqada iyo Arimaha bulshada Xukuumada Soomaaliya ayaa shaacisay in beri oo arbaco ah kuna beegan 1-da bisha May la fasaxay dhamaan shaqaalaha dowlada Soomaaliya.

Wasiirka Shaqada iyo Arimaha bulshada Xukuumada Soomaaliya Xildhibaan Sadiiq Warfaa ayaa sheegay in shaqaalaha dowlada beri loo fasaxay munaasabada maalinta caalamiga ee shaqaalaha aduunka.

Sadiiq Warfaa ayaa shaqaalaha Soomaaliyeed u diray hambalyo iyo bogaadin ku aadan munaasabada maalinta shaqaalaga,waxa uuna guul u rajeeyey shaqaalaha Soomaaliyeed meel kasta oo ay dunida ka joogaan.

Sanad walbo 1-da bisha May ayaa caalamka laga xusaa maalinta loo asteeyay shaqaalaha, waxaana munaasabadan kusoo aadeysaa sanadkan xili dhalinyaro badan oo wax baratay ay shaqo la’aan guryaha la jifaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dad badan oo looga shakisan yahay Qaraxii Kampala oo la xir xiray iyo howlgalo socda

Cabdi Cade

Hal arrin oo kusoo beegtay xilligan loollanka ay wadamadu caalamka ugu jiraan Soomaaliya!

Cabdi Cade

Muxuu RW Xamse kala hadlay Xildhibaanada laga soo doorto Puntland? (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---