Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Derbiga Kenya ka dhisayso xadka Somalia oo burburin lagu bilaabay

Dadwayne careysan oo ku sugan degmada Beled xaawo ee gobolka Gedo ayaa waxay burburiyeen qaybo ka mid ah darbiga ay Kenya ka dhisatay xadka ay la wadaagto Soomaaliya sida ay qoreen qaar ka mid ah warbaahinta Kenya.

Dadka degan Beled xaawo ayaa la sheegay inay jarjareen qaar ka mid ah siligyadii xeyndaabka looga dhigay darbiga iyadoo booliska Kenya ee qaabilsan ilaalinta xuduuda ay rasaas hawada u rideen si ay u kala cayriyaan dadka darbiga burburinayey.

Qaar ka mid ah shacabka B/xaawo ayaa ku eedeeyey Kenya iney derbiga soo gelisay dhul ay Soomaaliya leedahay, aysana aqbaleyn in Kenya ay dhinaceeda marsato dhul ay Soomaaliya leedahay.

Darbiga kala qeybiyo xadka Soomaaliya iyo Kenya ayaa muran badan dhaliyay iyadoo dadka ku sugan degaanada u dhaw xadka labada dal ay dhawr jeer halkaasi ka dhigeen dibad baxyo ay kaga soo horjeedaan dhismaha darbiga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Tartanka Wadaag Cup ee Muqdishu Cable Tv oo jaamacadaha Muqdisho loo qabtay (Sawirro)

Cabdi Cade

Loolanka dowladaha Imaaraadka iyo Qadar ee Soomaaliya yaa ku gacan sareyn doona ?

admin

Boqortooyada Sacuudiga oo u riyaaqday talaabo ay qaaday dowlada Maraykanka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---