Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xayiraad lagu soo rogay Akoonada maamulka Gobolka Banaadir iyo Sababta keentay (Akhriso)

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Hanti Dhowrka Qaranka ayaa lagu joojiyay xisaab socotooyinka dowlada hoose ee Muqdisho, waxaana lagu war galiyay bangiyada akoonada uga furan yihiin Dowlada hoose in la joojiyay dhamaan dhaq dhaqaaqyada xisaab socotooyinka .

Hanti Dhowraha Qaranka qoraalka kasoo baxay ayaa lagu sheegay in dowlada hoose ku jirto xiligii baarista sanadlaha, waxaana la hakiyay in  lacaga laga baxo akoonada dowladaha hoose ee Muqdisho.

Maamulka gobolka Banaadir gaar ahaan qeybta maaliyada ayaa .la sheegay in si gaar ah uga socdaan baaritaano la xariira musuq maasuq iyo lacago la isdaba marshay, waxaana hanti dhowrka bilaabay baaritaano xaqiiqda lagu ogaanayo.

Lacago badan ayaa la sheegay in si qaldan looga bixiyay akoonada maamulka gobolka Banaadir, waxaana lacagahaasi la sheegay in sifooyin qaldan loo adeegsaday uuna maamulka ka jawaabi waayay markii la weediiyay halka ay ku baxeen.

Halkan ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Hanti Dhowraha Qaranka 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Dab Quruxdii Los Angeles u bedelay Gaza oo kale

Caydiid Ali

DEG DEG: Qarax ismidamin ah oo goor dhow ka dhacay Magaalada Muqdisho

Caydiid Ali

Midowga Yurub oo War kulul ka soo saaray falkii lagu gubay Kitaabka Quraanka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---