Allbanaadir.com
NEWS

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo soo saaray Digniin ku socota shacabka Muqdisho

Maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta soo saaray Digniin iyo amar wada jira oo ku socota shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa wareegto uu soo saaray ku amray  shacabka  Muqdisho in guryahooda ku xirtaan nalal sidoo kale ka digay in bulaacadaha  si sharci daro ah loo isticmaalo.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir oo Warbaahinta u aqriyay Wareegtada kasoo baxday Duqa Muqdisho ayaa sheegay in ay socoto dib u Habeynta Bulaacadaha Muqdisho iyo Naleynta Magaalada si Bilicda dib loogu soo celiyay.

             Halkan ka Akhriso amarka kasoo baxay maamulka gobolka

1- In cid alaala cidii si sharci darro ah u istecmaasha Bulaacadaha Magaalada Muqdisho, aan laga aqbali doonin, isla markaana u hogaansanto xeerka ka soo baxay Xafiiska Duqa ee Mamnuucaya in danta guud loo isticmaalo mid gaar ahaaneed.

2- In Guryaha Magaalada Muqdisho ee istecmaala Dabka-Korontada ay cid weliba guriga Hortiisa ku dhajiyaan Nal, si Iftiinka Magaalada Muqdisho loogu wada qeyb-qaato, taasi oo muhiim u ah Howlgalada Amni, bacdamaa kooxaha dhibaatooyinka geysta ay ku dhuuntaan goobaha Mugdiga ah.

– Cidii xeerarkaan fulin weyda waxaa laga qaadayaa talaabo waafaqsan sharciga taasi oo ku xusan xeerarka kasoo baxay Xafiiska Duqa Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Kulankii lagula xisaabtami lahaa Wasiir Fardowsa Cigaal oo la baajiyay iyo Xamse oo …

Cabdi Cade

Caqabado soo wajahay shirkii Xalane & Dhaqaale laga jartay Villa Somalia

Caydiid Ali

Dowlada oo si buuxda loogu wareejiyey amniga Dhuusamareeb & Warar kale oo xiiso leh!!

admin