Allbanaadir.com
NEWS

Qarax ka dhacay Duleedka Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Qarax miino oo wadada dhinaceeda lagu aasay ayaa saakay barqadii ka dhacay Deegaanka Weydow ee duleedka magaalada Muqdisho, waxaana qaraxan lala eegtay ciidamo katirsan Milatariga Soomaaliya.

Goob joogayaal ayaa ku waramay in qaraxa miino lala eegtay gaadiid dagaal ay wateen ciidamo katirsan milatariga Soomaaliya oo ka ka yimid dhinaca Shabeelaha Hoose , waxa uuna qaraxa haleelay mid kamid ah gaadiidkii ciidanka wateen.

Qaraxa ayaa lagu soo waramayaa in khaaaro dhaawacyo u badan uu kasoo gaaray qaar kamid ah ciidankii qaraxa lala beegsaday iyo sidoo kale dad shacab ah oo ka agdhawaa halka uu qaraxu ka dhacay.

Ciidamada Milatariga ayaa qaraxa kadib rasaas badan furay, waxaa mudo daqiiqado ah ciidanka la qariyay ay xireen wadada isku xirta magaalada Muqdisho iyo Afgooye ay adeegadaan gaadiid badan.

Qaraxyada miino ee wadada dhinaceeda lagu aaso ayaa kusoo badanaya duleedka magaalada Muqdisho, waxa ayna inta badan qaraxyadan ka dhacaan laamiga saaran deegaanada KM-13 iyo Weydoow.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

(Daawo Sawirro) Wararkii ugu dambeeyey qaraxii Muqdisho iyo Khasaaraha ka dhashay

Caydiid Ali

Maxaa ka jira Bishar Al-Asad uu ku dhintay shil dayuuradeed?

Caydiid Ali

Wasiir Goodax oo si adag uga hadlay Muuqaal Baraha bulshada lagu baahiyay iyo dad loo xiray ….

Cabdi Cade
Taboola Ads ---