Allbanaadir.com
NEWS

Xasan Sheekh oo ka ka Jawaabay hadal dhawaan kasoo yeeray Madaxweyne Farmaajo

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay munaasabada daah furka Xisbiga Himilo Qaran ayaa weerar afka ah ku qaaday Dowlada Madaxweyne Farmaajo hogaamiyo.

Xasan Sheekh ayaa ka jawaabay hadal ku jiray khudbad uu dhowaan Madaxweyne i Farmaajo ka jeediyay xarunta degmada Wardhiigley ee magaalada Muqdisho, kaasoo ahaa iney gacan bir ah ku qabanayaan kooxaha amni darada ka shaqeynaya.

Waxa uu sheegay Xasan Sheekh  in dalkan ay heysato dhibaatadii laga dhaxlay keligii talis gacan bir ah ku soo qabtay, waana tan maanta 30 sano na dhigtay ayuu yiri fidnadii ka dhalatayna ay weli socota

Mar uu ka hadleyay xoriyadda hadalka iyo siyaasiyiinta mucaaradka ee dhaliila dowladda ayuu yiri: “Dadka waa hadlayaan, haddii laga hor istaagan si walboo ay ahaato waa isu tegayaan, haddii qaranka wax kasoo horjeedo laga hadlana qaran dumis in la yiraahdo waa af-qabasho iyo waxaan raali laga noqoneyn, dhaqan suubanna ma ahayn.

Hadalka Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kusoo aadaya xili Madaxweyne Farmaajo marar badan weerar afka ah ku qaaday Siyaasiyiinta dowladiisa Mucaaradka ku ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Donald Trump oo aad ula dhacay Muuqaal uu u daaray Madaxweyne Erdogan

Cabdi Cade

Madaxweynaha Somaliland oo Cafis u fidiyay Naciimo Abwaan Qorane

Cabdi Cade

Askari fashiliyay qarax lagu dili rabay taliye Mahad Islam oo abaal-marin lacageed la siiyay (Swwirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---