Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Kulankii Baarlamanka Somalia ee maanta oo u baaqdy sabab yaab leh

Kulan xildhibaannada Baarlamaanka Somalia ay maanta ku yeelan lahaayeen magaalada Muqdisho ayaa kooram la’aan u baaqday, kadib markii ay soo xaadireen 128 Xildhibaan oo kaliya, iyadoo loo baahnaa 139 xildhibaan oo kale si uu u furmo.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh ayaa ku dhawaaqay in kulanka uu baaqday kadib markii uu kooramkii loo baahnaa buuxsami waayey, waxaana lagu micneeyay sababta baaqashada kulankan iyadoo xildhibaano ka badan 20 ay aadeen xafladda xisbiga uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed ee Himilo Qaran.

Ajandaha kulanka maanta ayaa ahaa akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Shirkadaha Ganacsiga, oo maalintii Arbacadii loo qeybiyey xildhibaannada Golaha Shacabka.

Xafladda Daah furka Xisbiga Himilo Qaran ayaa maanta ka socota Hoolka Sahal ee agagaarka KM4, waxaana ka qeyb galaya xildhibaanno iyo marti sharaf kale oo ay ka mid yihiin madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud, guddoomiyihii hore ee BaarlamankaMaxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) iyo xubno kale oo fara badan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowladaha Soomaaliya iyo Shiinaha oo arimo Muhiim ah kawada hadlay (Sawirro)

Cabdi Cade

Dhac Nuuc cusub ah kana argagaxeen Shacabka oo kusoo kordhay Muqdisho !!

Cabdi Cade

Gudoomiye Maxamed Nuur Gacal oo ka hadlay Doorashada Madaxweynaha Galmudug

Cabdi Cade
Taboola Ads ---