Wararka ka imaanaya gobolka Bari ee maamulka Puntland ayaa sheegaya in maanta duqeyn dhinaca cirka ah uu ka dhacay deegaan Cameyra oo katirsan degmada Iskushuban ee gobolka Bari.
Deegaanka Weerarka ka dhacay ayaa la sheegay in ay ku sugan yihiin dagaalyahano katirsan Al Shabaab iyo Daacish,waxaana deegaankaasi iyo kuwa kale oo ku dhaw dhaw dhowr mar ku dagaalamay labadan koox.
Dadka socotada ah ee soo gaaray tuulada Timirshe ee degmada Isku-shuban ayaa sheegay inay salaadii Jimcaha kadib ay maqlayeen ugu yaraan 5 qarax oo xoog weyn oo ka dhacayey deegaanka Cameyra .
Wali lama oga khasaaraha ka dhashay duqeyntan maanta ka dhacday gobolka Bari, mana jirto ilaa hada wax war ah oo kasoo baxay maamulka Puntland oo ku aadan duqeyntan iyo cida lala eegtay.
Dhawaan ayey aheyd markii Duqeyn ay diyaaradaha dagaalka Mareykanka ka geesteen tuulada Xiriiro ee degmada Iskushuban lagu dilay C/xakiin Dhuqub oo maamulka Puntland sheegay inuu ka tirsanaa hogaanka ururka Daacish.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com