Allbanaadir.com
NEWS

Qaar kamid ah Madaxda Maamul goboleedyada oo si wadajir ah ula kulmay Donald Yamamoto (Daawo Sawirro)

Magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya waxaa kulan ku yeeshay qaar kamid ah Madaxda maamul goboleedyada dalka iyo safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Mareykanka Danjire Donald Yamamoto .

Kulankan ay yeesheen Madaxda, Galmudug, Puntland , Jubbaland iyo safiirka Mareykanka ayaa looga hadlay arimo ay kamid yihiin  Amaanka, Federaaliisamka, Dimuqraadiyeynta, maalgashiga iyo arimo kale oo xasaasi ah.

Warar hoose ayaa sheegaya in Madaxda maamul goboleedyada ay cabasho ka dhan ah Dowlada Federaalka u gudbiyeen Safiirka dowlada Mareykanka, waxa ayna ka codsadeen in loo ogolaado la macaamilka tooska ah badalkii lasoo mari lahaa dowlada Federaalka.

Danjire Yamamoto ayaa ku amaanay maamul goboleedyada in ay deegaanadooda ka hirgeliyeen xasilooni ,dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha amniga iyo nabadda, waxaana uu safiirku xaqiijiyey inay diyaar u yihiin wada shaqayn dhaba la yeeshaan Maamulada .

Madaxda Maamulada Galmudug,Puntland iyo Jubbaland oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada Nairobi ayaa kulamo kala duwan la qaatay safiiro iyo qaar kamid ah Wakiilada Beesha Caalamaka gaar ahaan kuwa arimaha Soomaaliya daneeya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Masuul u xiran dowlada Somalia oo loogu magac daray garoon dayuuradeed (Sawirro)

Caydiid Ali

Jubbaland oo si kulul uga jawaabtay qoraaladii ka soo kala baxay DF & beesha caalamka

Caydiid Ali

Masjid Mudo labo sano ah u xirnaa is qab qabsi oo dib loo furay (Daawo Muuqaal)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---