Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maxaa xalay ka dhacay degaanka Sabiid ee gobolka Shabeellaha hoose?

Faahfaahino ayaa ka soo baxaya dagaal ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyo xoogag ka tirsan Al-Shabaab ayaa xalay ku dhexmaray degaano duleedka ka ah degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii xoogaga Al-Shabaab ay weerareen Saldhig Ciidamo ka tirsan kuwa Millateriga Soomaaliya gaar ahaan kuwa Mareykanku tababaray ku leeyihiin deegaanka Sabiid.

Dagaal muddo saacad ka badan socday ayaa halkaasi ku dhexmaray ciidamada Dowladda iyo Ururka Al-Shabaab, waxaana dadka deegaanka sabiid ay sheegeen in  dagaalka uu ka dhashay khasaaro kala duwan oo labada dhinac ah.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Millateriga Soomaaliya ayaa waxaa ay sheegeen in ay iska difaaceen weerarkii kaga yimid dhinaca Al-Shabaab, isla markaana khasaaro gaarsiiyeen sida ay hadalka u dhigeen.

Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa warar ay ku qoreen Baraha internet-ka waxa ay ku sheegeen in weerarkaas ay ku qabsadeen mid ka mid ah Saldhigyada Ciidamada Dowladda ee degaanka Sabiib, isla markaana askar ay ku dileen.

Degaanada Sabiib iyo Caanoole ee duleedka degmada afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa dhowr todobaad ka hor waxaa Ciidamada Dowladda ay kala wareegeen Ururka Al-Shabaab, mana jiraan warar madax banaan oo ka hadlaya dagaaladii xalay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Kulan aan Caadi aheyn oo maanta ka dhacay Xarunta Gobolka Banaadir (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxwyane Farmaajo oo arrin xasaasi kashifay iyo Cidamada Garowe & Kismaayo oo hegan Lagaliyay !!

admin

Maxaa kala Heesta Beesha Caalamka iyo Madaxda Maamul goboleedyada dalka ?

Cabdi Cade
Taboola Ads ---