Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Jilaa ku caan baxay aflaamta Hindiga oo Siyaasi isku bedelay (Daawo Sawirro)

Jilaaga caanka ah ee Shirkadda filimada Bollywood, Sunny Deol ayaa talaadadii ku biiray xisbiga Bharatiya Janata Party (BJP) ee uu hogaamiyo raisul wasaaraha India Narendra Modi.

Jilaagan siyaasiga isku baddalay oo kasoo jeeda magaalada Gurdaspur, oo ka tirsan gobolka Punjab ayaa u tartami doona inuu xisbiga musharrax ugu noqdo xilka kursiga baarlamaanka, waxaana booskaas kula loollamaya Kirron kher oo kasoo jeeda Chandigarh.

Jilaaga ayaa tallaabo u qaaday inuu kasoo jeesto xisbiga talada haya, isagoo raacaya raadkii aabihiis Dharmendra  oo kursiga baarlamaanka u matalayay magaalada Bikaner ee gobolka Lok Sabha, intii u dhaxeysay sannadihii 2004-tii ilaa 2009-kii.

“Sida uu aabahay Dharmendra ula saftay Vajpayee ayaan aniguna ula safanayaa Modi”, ayuu yiri mar uu ka hadlayay sababta uu u qaatay go’aanka ku saabsan inuu siyaasadda ku biiro.

“Wax badan ayuu Modi u qabtay dalka wuuna na sii hormarin karaa. Waddanku wuxuu u baahan yahay hoggaamiye isagoo kale ah” ayuu yiri Mr. Deol.

Sunny Deol, oo hadda 62 sano jir ah ayaa sheegay in howl walba oo uu qabanayo inta uu siyaasadda ku jiro ay noqon doonto mid qalbigiisa kasoo go’day.

Wasiirka gaashaandhigga, Nirmala Sitharaman, oo jilaagan ku soo dhaweynayay siyaasadda ayaa yiri: “Waan ku faraxsanahay inaan xisbiga BJP kusoo dhaweeyo jilaagan caanka ah, howlkarka ah, geesiga ah, isagoo da’ yarna xirfaddiisa ay heer sare ahayd”.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Sweden oo Shuruud yaab leh ku xirtay deeqda dhaqaale ee ay siiso dowlada Somalia

Caydiid Ali

Dadka lagu laayey Khartuum oo Boqol gaaray & Meydad laga soo saaray webiga Nile

Caydiid Ali

Turkiga oo si weyn uga carooday Heshiis ay gashay Shirkad laga leeyahay Mareykanka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---