Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

(Daawo Sawirro) Sida diiran ee Kim Jong-un loogu soo dhoweeyey dalka Ruushka

Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi,Kim Jong-un ayaa gaaray dalka Ruushka si uu kulan ula qaato madaxweyne Vladimir Putin.

Kim Jong-un ayaa gaaray magaalo xeebeedka Vladivostok oo markii ugu horreysay wadahadallo uga furmay isaga iyo dhiggiisa Ruushka.

Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi waxaa lagu soo dhaweeyay cuntada hiddaha iyo dhaqanka u ah dalkaasi.

Aqalka looga taliyo Ruushka ee Krimlinka ayaa sheegay in labada hoggaamiye ay ka wada hadli doonaan arrimaha Nukliyerka ee Gacanka Kuuriya.

Dadka ka faalooda arrimaha gobolka waxay sheegayaan in Kim Jong-un uu taageero u raadsaday madxweynaha Ruushka kaddib markii uu burburay kulankii uu la yeelanayay Donald Trump.

Trump iyo Kim ayaa horraantii sannadkan ku kulmay magaalada Hanoi si ay uga wada hadlaan barnaamijka Nukliyerka ee Kuuriyada Waqooyi kaas oo ku dhamaaday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Axmed Madoobe oo siyaabo aan looga baran uga hadlay dacwada Badda Somalia & Kenya

Caydiid Ali

Masuulkii ugu horeeyay ee ka socda dowladda Somalia oo la kulmay Madaxwayne Trump

admin

Shariif Xasan oo loo diiday inuu ka dhoofo Garoonka Aaden cadde iyo sababta ka dambeysa

Caydiid Ali
Taboola Ads ---