Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Farmaajo oo goordhaw Booqasho aan horey loo shaacin ku tagay dalka …

Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya iyo wefdi uu hogaaminayo ayaa goordhaw booqasho aan horey loo sii shaacin ku tagay magaalada Asmara ee caasimada dalka Eritrea.

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdiga la socday waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Asmara si heer sare ah ugu soo dhaweeyay Madaxweynaha dowlada Eritrea Isias Afewerki iyo masuuliyiin kale .

Madaxtooyada Soomaaliya ayaan wali ka hadlin booqashada uu Madaxweyne Farmaajo ku tagay dalka Eritrea, waxaana la filayaa in Madaxweyne Farmaajo inta uu joogo Asmara kulamo la qaato Madaxweynaha Eritrea.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horey dhowr mar booqasho ugu tagay dalka Eritrea, lamana oga waxa xiligan kuoo beegay safarka aan la shaacin uu maanta Madaxweynaha ku tagay dalka Eritrea.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Cali Guudlaawe oo gaaray Magaalo ay go’doomisay Al-Shabaab (Sawirro)

Caydiid Ali

Odayaasha iyo bulshada rayidka ee soo xulaya 5-kursi oo katirsan golaha shacabka oo la shaaciyay

Cabdi Cade

Al Shabaab oo mar kale Xukun dil ah ku fulisay afar ruux (Akhriso Magacyada)

Cabdi Cade