Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Saciid Deni oo Nairoibi kula kulmay danjire Dr. Mohamed Khayat (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan Dalka Kenya ayaa magaalada Nairobi kula kulmay Safiirka Boqortooyada Sacuudiga u Fadhiya Soomaaliya Ambassador Dr. Mohammed Khayat iyo ku-xigeenkiisa.

Kulanka oo muhiimad balaaran u lahaa Puntland ayaa waxaa looga hadlay xiriirka ganacsi, siyaasi ee Puntland iyo dalka Sacuudiga, iyo sidii dalka Sacuudigu ay Puntland gacan uga siin-lahaayeen la dagaalanka argagixisada, Amniga, Iskaashiga ganacsiga, dhaqaalaha iyo maalgashiga waxaana uu ku soo dhaammaaday guul iyo is afgarad.

Ambassador Dr. Mohammed Khayat ayaa xusay in kulanka uu la qaatay Madaxweynaha Dowladda Puntland muhiimad gaara uu u leeyahay, isla markaana waxaa uu bogaadiyey horumarka balaadhan ee Puntland ku tilaabsatay waxaana uu xusay in Boqortooyada Sacuudi Arabia ay sida ugu dhakhsiyaha badan ay Puntland uga samaynayso maalgashi balaaran.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in muhiimad balaadhan uu u leeyahay kulan kan Dowladda Puntland, khaasatan dhinacyada ka shaqaynta amniga, Iskaashiga ganacsiga, dhaqaalaha iyo maalgashiga, isagoona Madaxweynuhu safiirka uga mahadceliyey qaabilaadda heerkeedu sarayso ee uu kala kulmay Safaaradda dalka Sacuudiga iyo is af-garadka buuxa ee laga gaadhay dhammaan arrimaha muhiim ka ah ee kor ku xusan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Trump oo caawa ku dhawaaqay go’aan muddo dheer looga digayey

Caydiid Ali

Guddoomiye Ciise Guurre oo la kulmay Guddi talo bixin loo xil saaray (Sawirro)

Cabdi Cade

Daawo:-Maxaa isku xiray qorshaha xirida Jidadka & goobaha uu booqanayo RW Rooble?

admin
Taboola Ads ---