Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Milateriga Sudan oo digniin adag siiyey dadka weli dibed-baxyada dhigaya

Militariga la wareegay talada dalka Sudan ayaa digniin u diray dadka dibadbaxyada weli ka wada dalkaas, iyagoo amar ku siiyey inay jidgooyooyinka ka qaadaan waddooyinka caasimadda Khartuum.

Militariga waxay shacabka u sheegeen inay baneeyaan waddooyinka si xaaladda amniga magaalada loogu soo celiyo.

Madaxa golaha militariga Suudaan, Janaraal Fattax Cabdiraxmaan Burhaan ayaa sheegay in dhibaatada dibadbaxyada aanan lagu sii jiri karin, ayna tahay in la soo afjaro.

Dibad-baxyaasha ayaa ku sugan afaafka hore saldhigga militariga ee Khartuum, waxay codsanayaan in xukunka lagu wareejiyo dowlad rayid ah.

Hoggaamiyeyaasha dadka bannaanbaxyada wada waxay sheegeen inay hakiyeen kulan ay la yeelan rabeen militariga si looga wada hadlo helidda dowlad rayid ah.

Waxay ku eedeeyeen in maamulka ay weli ka tirsan yihiin dad horey uga tirsanaa dowladdii u hoggaamin jiray Cumar Al Bashiir.

Militariga waxay sheegeen inay ka go’antahay sidii xukunka ay ugu wareejin lahaayeen dowlad rayid ah isla markaasna waxay ku adkeysteen inay mas’uuliyadooda tahay sugidda  amniga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Bangiga Dhaxe oo amar ku bixiyay in la qaato lacagta 50-ka Dollar

Cabdi Cade

Meydadka 14 caruur ah oo hal goob laga helay & baaritaan xoog leh oo socda (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Caqabado hor taagan Caleemo Saarka Madaxweynaha cusub ee maamulka Galmudug

Cabdi Cade
Taboola Ads ---