Kulamo wadatashi iyo wadahadal siyaasadeed oo u dhaxeeyey Xisbiga Wadajir iyo Xisbiyo siyaasadeed iyo shakhsiyaad kale oo siyaasiyiin ah ayaa soo gaba- gaboobay 20/04/19. Ujeedka kulamada ayaa ahaa midaynta daddaalada siyaasadeed si loo dardar geliyo, loona ballaariyo Xisbiga Wadajir.
Aasaasayaasha Xisbiga Wadajir ayaa warbixinno ka soo jeediyey howlihii u qabsoomay iyo kuwii laga gaabiyey tan iyo markii Xisbiga la aasaasay muddo sedax sano ka hor ah. Ka soo qeyb galayaasha shirka oo soo dhaweeyey horumarka uu Xisbigu ku tillaabsaday, ayaa ka dooday qaabka ugu haboon ee dib u habayn loogu samayn karo Xisbiga iyo jaangoynta hawlaha horyaalla marxalada soo socota.
Xisbiga Aragtida Cusub “New Vision Party” ee uu hogaamiyo Xidlhibaan C/fitaax Ibraahim Geeseey iyo Xisbiga Dhallinyarada Soomaaliyeed “Somali Youth Party” ee uu hogaamiyo siyaasi C/weli Ibrahim Garyare ayaa la midoobay Xisbiga Wadajir, iyadoo gunaanadkii shirkana lagu go’aansaday qodobada soo socda:
- In la ballaariyo dib- u qaabayna lagu sameeyo Golaha Fulinta si loo dardar geliyo howlaha horyaala Xisbiga.
2. In muddada xil haynta Golaha Fulinta ay tahay 2 sano oo ku eg 22 ka April 2021.
3. In Guddiga Fulinta uu ka hawlgalo diyaarinta shirweynaha Xisbiga (Party Congress) oo la qabanayo 10-ka November 2019, lana horgeeyo qodobbada isbeddelka lagu sameeyey ee xeerka Xisbiga.
4. In Guddigu u hawlgalo furitaanka xarumaha Xisbiga ee dhimman iyo dhammaystirka diiwaan gelinta xubnaha Xisbiga.
5. In guddigu u howlgalo baadigoobka xulufaysiga siyaasadeed uu la samaysto xisbiyada iyo ururrada siyaasadeed ee dalka ka jira.
Guddiga fulinta cusub ee Xisbiga ayaa ah:
1. Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame Hoggaamiyaha Xisbiga
2. Saciid Muuse Cabdi Baalle. Guddoomiye
3. Sayidcali Macallin Cabdulle. Guddoomiye Ku Xigeen
4. Cabdifitaax Maxamed Ibraahim “#Geesey” Xoghayaha Guud
5. Cabdiwali Ibraahim Aadan “#Garyare” Ku Xigeenka Xogahayaha Guud
6. Axmed Aabi Aadan
Xoghayaha Warfaafinta/ Afhayeenka Xisbiga.
7. Cabdiladiif Muuse Nuur “Sanyare” Xoghayaha Arrimaha Siyaasadda ( Abdiladif Nur )
8. Cabdixakiin Yuusuf Cali “Caynte” Xoghayaha Arrimaha Dibadda ( Abdihakim Ainte )
9. Saadaad Maxamed Nuur Caliyow.
Xoghayaha Arrimaha Gudaha & Federal-ka
10. Shador Haji Mohamud
Xoghayaha Maaliyadda
11. Mohamed Cumar Macallin “#Wayaki”
Xoghayaha Qorsheynta & Tabarrada 12. Cabdisalaan Ibraahim Cumar.
Xoghayaha Arrimaha Bulshada & Wacyigelinta.
Ugu dambeyntii, Golaha Fulinta ee xisbiga ayaa u mahadceliyey guddoomiyihii hore ee Xisbiga Mudane Kamaal Guutaale kuna ammaanay shaqadii uu soo qabtay muddadii uu xilka hayey iyo sida hagar la’aanta ah ee uu uga shaqeeyey ballaarinta Xisbiga.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Nairobi-Kenya
Allbanaadir@live.com