21April 2019 waxaa xarunta Bangiga Dhexe ka qabsoomay munaasabad si kooban loo soo agaasimey oo xil wareejin ah oo ay ka soo qaybgaleen xubno dhowr ah oo laga tilmaami karo Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle iyo Hanti Dhowrka Guud Maxamed Cali Afgooye. Munaasibad heerkii looga baahnaa ee maqaam Bangi dhexe oo qaran iyo maamuuska Guddoomiye Cusub oo baadigoobkiisa dunida iyo inta dhaqaalaha Soomaaliya daneysaaba aad isha ugu hayeen. Balse munaasabad ka turjumeysa muuqaalka iyo macnaha ay lahayd sidii xilka bangiga loo magacaabey.
Go’aankii ka soo yeedhey golaha wasiirrada horraantii bishan ee ku dhawaaqidda cidda nasiibka ku heshey guddoomyaha Bangiga dhexe waxay lama filaan iyo yaab ku noqotay inkabadan oo aqoonyahan marwooyin iyo Mudanayaal leh oo u tartamey jagadaas, sidoo kale khubaradii loo xilsaarey shaandheynta codsiyayada iyo qiimeynta khibradda aqooneed ee codsade kastaa si farshaxannimo leh ugu soo bandhigay galka codsigiisa/geeda. Waxay filanwaa ku noqotey guud ahaan hay’adihii caalamiga iyo ummadda soo maaliyeed ee ka dhursugeysay natiijada hannaanka heer caalami ah ee ay markii u horreysey (waa sidey tidhaahdo eh) taariikhda Bangiga dhexe u maareyso xukuumaddu xulashada Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Qaranka Soomaaliyeed.
Dulucda Mowduucani ma aha shakhsiga loo magacaabey oo keliya mudan “hambalyo iyo duco” balse wuxuu daaran yahay habraaca dhibka badan ee loo maray, juhdiga, hantida, maskaxda iyo wakhtiga la geliyey oo qaatey in kabadan 8 bilood iyo jidka qalloocan ee lagu dumiyey tiirkii sharci ee Bangiga dhexe uu ku taagnaa, Xeerhoosaadkii Golaha Shacabka iyo xuquuqdii muwaadinka soomaaliyeed u keli ahayd. Hannaanka aan laga fiirsan ee wiiqay haybaddii dawladnimo iyo hufnaantii maaliyadeed ee dalka.
Bishii August ee sannadkii tegey (2018) ayey xukuumaddu caalamaka u bandhigtay inuu kursiga Guddoomiyaha Bangiga dhexe Bannaanyahay cidkasta oo soo buuxisa shuruudaha ku xaddidan qoraalka xukuumaddana uu xilkaasi u furanyahay.Xukuumaddu waxay xilligaa hilmaantay amma iska indhsaabtay in sida uu sharciga Bangigu farayo guddoomiyaha iyo Guddiga Agaasinka Bangiguba ahaadaan dad soomaaliyeed. Tiro ku dhaw boqol iyo konton xubnood oo dunida daafeheega ka soo codsadey oo cidwalba leh ayaa araajidooda soo gudbistey. Guddi farsamo oo ay khubaro ajaanib ahi hoggaaminayaan muhimmaddooduna ku egtahay inay si hufan usoo xulaan inta buuxisey shuruudaha laga rabo ayaa loo saarey,kuwaas oo dhammadkii sannadka 2018ka soo reebey tiro kooban oo Soomaali iyo ajaanibba isugu jira. Halkaa markey soo gaadhey waxaa soo shaac baxay rabitaanka xukuumadda ee ah inuu shakhsi ajnabi ahi horeba ugu astaysanyahay jagada Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya. Marxaladdii labaad ee kala saarista markii loo gudbey way muuqatey in cidda ay xukuumaddu wadato oo keli ahi ay fursadda guusha leedahay. Guddi qaada imtixaan su’aalo oraah ah (oral interview) oo ka kooban saddex xukuumadda ka socda iyo saddex khabiir ayaa loo xilsaarey oo uu ka mid yahay CabdiRahman Cabdillahi oo hadda xilka la wareegey oo markaa ka socday Xafiiska (PM) Ra’iisal Wasaarah. Isla markiiba waxaa warbaahinta gudaha qabsadey in guddoomiyaha Bangiga loo wado Mr.Robert Nigel oo u dhashey dalka Ingiriiska, hase ahaatee ay ku horgudban tahay caqabad sharci khabrad iyo takhasus aqooneed taasi oo ay dheereyd diidmada aqoonyahanka Soomaaliyeed iyo shacabku. Iyadoon dheg loo dhigin dhawaaqa waxgaradaka ummadda xukuumaddu waxay horkeentay golaha shacabka hindise sharciyeed lagu magacaabey ”wax ka beddel xeer maamul” ee qodobka 130aad ee sharciga Bangiga Dhexe oo uu meelmariyey Baarlamaankii 8aad Abriil 2012kii. Waxaa yaab ahayd in laba aan is qaban oo aan isu dhigmin la isu beegey – waa qodob sharci oo dhaqan galay in “xeer maaamul” (regulation) lagu nasakho. Soo jeedinta hindisaha xeerkan ayey xukuumaddu juhdi badan iyo dano dhaqaaleba ku bixisey meelmarintiisa. Kaaga darane waxaa la xannibay in dood laga yeesho amma wax la iska waydiiyo habraaca qardajeexa ah ee uu ku socdey. Soddomeeye xildhibaan oo isu qorey doodda inay waddada sharciga ka tilmaan bixiyaan, dhowr xubnood markay hadleen oo ay intooda badani diideen in qaabkan lagu beddelo sharciga Bangiga ayaa waxa uu guddoonku ka badheedhey meel marintiisa sax iyo qaladba kuna doodey inuusan Bangiga dhexe asal ahaanba sharci baarlamaan ku dhisneyn balse uu ku shaqeeyo xeer maamul oo keliya. Sidaa darteedna ay xukuumaddu xaq u leedahay inay wax ka beddesho xeerka hadda jira. Ugu dambeyntiina waxaa si cad loo hareer marey habraaca xeerarka iyo nidaamka doodaha ee golaha waxaanaisla maalintii loo qaybshey qoraalka Golaha gacantaag lagu meelmariyey sidey xukuumaddu dooneysey hindisaha xeerkan oo nuxurkiisu yahay;
- In jagada guddoomiyihu u furantahay cidwalba oo buuxisa shuruudaha shaqada
- In guddiga xulista awood loo siiyo inuu cidkasta oo u dhibca badata natiijada imtixaannada iyo qiimeynta guddiga farsamada uu ku soo saaro “iyadoon loo eegin jinsiyaddiisa”(dabcan waxaa ku hoos duugan in shakhsi ajnabi ah calanku saaranyahay)
Mar kale waxaa la waajahay xaalad kale oo aan laga fikirin waxaana rabitaankii xukuumadda ka horyimid muraadkii shakhsigii ajnabiga ahaa ee lala calmadey mansabkan oo la shir yimid inuusan diyaar u ahayn shaqo buuxda (full time) balse isaga Shaqaqada Bangiga Dhexe ee Qarankan curdinka ah ee u baahan dibudhiska hay’adihiisa maaliyadeed ay u tahay maararrow maalmaha qaarkood iyo markii uu jaanis u helo (part time).
Waxaa marag ma doon ah inuusan qaddarin dhibka loo soo maray mansabkan qaran ee saaxiib jeceli uga maarmi waayey. Inuusan qiimeyn marin seegga iyo mahadhada taariikhiga ee aan la maydhi karayn ee mudanayaashiila doortay ugu maroorsheen distoorka iyo shuruucdii madashooda.
Haddaba markii ay socon weydey taladii ahayd in ninkaa ajnabiga loo dhiibo mansabkaasi muhiimka u ah dalka in muddo ahna xaalku malka oodan yaalley. Waxaa la soo gaadhey wakhtigii guga iyo madashii wayneyd ee hay’adaha maaliyadda adduunku ku kulmayeen dalka maraykanaka. Waji gabax kale ayey noqon lahayd iyo masuuliyad darro inuu wali guddoomiyihii hore ee bangiga Mudane Bashiir Ciise oo shaqadu ay ka dhammatey gugii hore (April 2018) lixbilood oo si ku meelgaadh ah loogu dhibayna ay soo gabogabowdeybishii oktoober inuusan muddada dheer bangigu helin maamul rasmi ah.
Waa mushkilada u muuqata in goor dambe lagu baraarugey, xilli uu san hadhin in miyir qab loogu fikiro xalka arrinkan, waxaana si aan ka fiirsi lahayn xukuumaddu magacaabistii kula kuftey Mudane CabdiRaxman oo aan jagadan soo codsan balse ka mid ahaa xubnihii kala shaandheynta codsiyada iyadoo aan la qiimeyn muuqaalka mas’uulnimo iyo farriinta uu xambaarsanyahay habdhaqanka dawladnimo ee xukuumaddu.
Tartatankii heer caalami ahaa ayaa kusoo idlaadey macanaha odhaahda caanka ah ee Soomaaliyeed “la jiifiyaana bannaan” iyo “caddaaladdu waa hadba caynkaan anigu u dhigo”.
Haddaba tallabooyinkaasocod baradka u muuqda go’aammadaa aan ka fiirsiga lahayn waxay abuurayaan su’aalo iyo xaqiiqooyin u baahan in la dul istaago.
- Bangiga Dhexe ma ku dhisanyahay sharci baarlamaan ansixiyey?
- Bangiga Dhexe ma yahay hay’ad Madax Bannaan.
- Intee ayaa lagu kalsoonaan karaa tartan ay xukuumaddu hoggaaminayso iyo hufnaanta maamulka hay’adaha Maaliyadda
- Qaraarkii Baarlamaanka ee waxka beddelka xeerku halkuu dhacayaa haddii qaabkii xulashada ee uu farayey la baal marey?
- Shaqada uu ruux muwaadin ahi qaban karo maxaa khasbaya in ajnabi loo raadiyo.
- Hay’adaha dhaqaalaha iyo maaliyadda sida “National Economic Advisory Council” oo qayb weyn ka ahaa xulista tartankan, ma talo bixiyeen xaaladdan murugtay?.
- Mise waxaas oo qarda jeex iyo kuftin ah waxay lagama maarmaan u yihiin hanaqaadka qaranka waana dariiqa loo maro dawladbarashada horaa loo yiri “wiil yari intuu ood ka boodey arrin ka bood”. Dhinaca kale “talo Qaran Tijaabo Magashaa”?
By Elmi Nur Geddi
Economist and Political Analyst
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com