Allbanaadir.com
NEWS

Munaasabada Furitaanka kalfadhiga 3-aad ee labada Aqal oo socota iyo Madaxda sare oo .. (Daawo Sawirro)

Munaasabada Furitaanka Kalfadhiga 3-aad ee labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa xiligan si toos ah uga socota Dugsiga Tababarka Jen. Kaahiye ee magaalada Muqdisho.

Waxaa ka qeyb galaya Munaasabada Madaxweyne Farmaajo , Gudoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka, Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ,Wasiiro ,Gudoomiyha gobolka Banaadir ,Wakiilo ka socda Dowlaha Somalia saaxiibka la ah iyo Madax kale.

Munaasabada oo ah mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa xiligan waxaa socda khudbado ay jeedinayaan Madaxda ka qeyb galeysa Munaasabada furitaanka Kalfadhiga 3-aad ee Baarlamaanka.

Madaxweynaha Soomaaliya oo isagu si rasmi ah u furaya kalfadhiga 3-aad ee Baarlamaanka ayaa la filayaa in uu jeedo Khudbad uuna ka hadlo xaalada Siyaasadeed ee dalka iyo marxalado kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Shiinaha ballanqaadyo muhiim ah u sameeyay maamulka Gobolka Banaadir (Sawirro)

Cabdi Cade

War deg deg ah: Atariishadii ku caan baxday aflaamta Hindiga ee Sridevi oo geeriyootay (Sawirro)

Caydiid Ali

Farmaajo: “Waxaan ognahay in dowlad goboleedyada qaarkood dalal shisheeye soo dhisteen”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---