Allbanaadir.com
NEWS

Dal Carbeed oo Dhax dhaxaadinaya Dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraatka

Xiriirkii u dhaxeeyay Dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraatka Carabta ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay ahaa mid sii xumaanayay, waxaana xaalada uga sii dartay heshiiska ay Dekadda Berbera kula wareegtay shirkad laga leeyahay Imaaraatka.

Dowlada Soomaaliya ayaa sharci daro ku tilmaantay  heshiiskii Shirkadda DP World ee laga leeyahay Imaaraatka la gashay maamulka Somaliland kulana wareegtay  Dekeda Berbera, waxa ay sidoo kale dowlada walaac ka muujisay fara galinta Imaaraatka ku hayo dalka.

Boqortooyada Sacuudi Carabiya oo kamid ah dowladaha saaxiibka dhaw la ah dalka Imaaraatka Carabta ayaa hada qorsheeneysa in ay dhax dhaxaadiso dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraatka oo hada xiriirkoodu meel xun gaaray.

Sida ay xaqiijiyeen diblumaasiyiin katirsan Wasaarada Arimaha Dibadda Soomaaliya Dowlada Sacuudiga ayaa qoraalo dalab wadahadal ah u kala dirtay dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraatka Carabta.

Sacuudiga ayaa doonaya in arinta khilaafka dhalisay si hoose loo xaliyo, lamana oga go’aanka dalabka Sacduudiga ka qaadan doonaan dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraatka Carabta.

Dowlada Soomaaliya ayaa qoraal ashtako ka ah fara galinta Imaaraatka Carabta iyo Heshiiska Shirkada DP World la gashay maamulka Somaliland u gudbisay Ururka Jaamacada Carabta.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya oo khudbad  ka jeediyay shirka Jaamacada Carabta ayaa sheegay in Dowladda Imaaraat-ka ay waajib ku tahay iney ixtiraamto madaxbannaanida iyo midnimadda umadda Soomaaliyeed .

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sharci daro ku tilmaantay heshiiska Sadax geesoodka ahaa ee ay Shirkadda DP-World , dowlada Itoobiya iyo maamulka Somaliland kuwada gaareen dalka Imaaraatka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wadahadalkii u dhexeeyey Madaxweyne Farmaajo iyo RW Rooble gebagebo ku dhow

Caydiid Ali

(Sawirro) DF oo Gaalkacyo ka dejisay Ciidamo duulaan ku ah degmada..

Caydiid Ali

Sheekh Aadan Madoobe oo booqday xarunta Maxkamadda ICC lana kulmay Piotr Hofmański

Cabdi Cade
Taboola Ads ---