Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamo katirsan AMISOM oo lagu qarxiyay Duleedka Muqdisho

Kolonyo gaadiid ah ay wateen ciidamo katirsan AMISOM ayaa maanta qarax nuuca miinada dhulka lagu aaso ah lagula beegsaday deegaanka KM-13 ee kuyaala duleedka magaalada Muqdisho.

Goob joogayaal ayaa ku waramay in ciidamada AMISOM qaraxa lala eegtay xili ay laamiga ku safrayeen, lamana oga ilaa hada khasaaraha ciidamada AMISOM kasoo gaaray qaraxa miino ee lala eegtay.

Ciidamada AMISOM ayaana qaraxa kadib rasaas badan furay, ciidamada ayaa sidoo kale mudo daqiiqado ah xiray laamiga isku xira magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda iyagoona gaadiidka wadada ka celinayay.

Qaraxyada miino ayaa caadi ka noqday laamiga isku xira magaalada Muqdisho iyo Afgooye, waxaana qaraxayadan inta badan lala eegtaa gaadiidka dagaalka ay wataan ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Bannaan bax weyn oo maanta ka dhacay Muqdisho iyo madax ka qeyb gashay (Sawirro))

Cabdi Cade

RW Khayre & Danjire Berlanga oo galabta ku rucleeyay Istadium Muqdisho (Sawirro)

Caydiid Ali

Weerar lagu qaadi lahaa Beerta Nabadda oo la fashiliyay iyo Jaakado qaraxyo ah oo la qabtay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---