Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Xasan Kheyre oo goordhaw kasoo degay Garoonka Aadan Cadde

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Wafdi uu hogaaminayay oo kasoo laabtay dalka Mareykanka ayaa goordhaw kasoo degay garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde .

Wafdiga Ra’isul Wasaaraha  Soomaaliya waxaa garoonka Diyaaradaha Adan Cadde kusoo dhaweeyay  Wasiiro katirsan Xukuumada Soomaaliya, Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Federaalka iyo masuuliyiin kale .

Ra’isul Wasaare Khayre ayaa Magaalada Washington ee dalka Maraykanka kaga soo qeyb galay shirka (Forum Fragility 2018) oo looga hadlay Maareynta Dhibaatooyinka ka dhasha Nabadgalyo xumida iyo Xasilooni darada ka jirta meelo ka tirsan caalamka.

Ra’isul Wasaaraha ayaa shirkaasi caalamiga ah kaga jawaabay su’aalo la xiriiray talaabooyinka ay xukuumadiisu ka qaaday soo celinta xasiloonida dalka, la dagaalanka saboolnimada, musuqa iyo hagaajinta hanaanka maamulka Maaliyada.

Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wararkii Ugu Dambeeyay Doorashada Guddoonka Gollaha Shacabka iyo Teendhada Afisiyooni oo…

Cabdi Cade

Al Shabaab oo soo bandhigtay Gaari dagaal iyo Hub ay dagaal kusoo qabsadeen (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Somaliland oo Sabab layaab leh u xirtay Maktabad Masar ku laheyd Hargeysa

Cabdi Cade
Taboola Ads ---