Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Rag loo heysto kufsiga & dilka Caa’isha Ilyaas oo loo gudbiyey Maxkamada Garowe

Maamulka Puntland ayaa magaalada Garowe  gaarsiiyay shan Nin oo loo heysto kiiskii kufsiga iyo dilka ahaa ee loo geystay  Caa’isha Ilyaas Aadan oo aheyd gabar 12 jir ah oo ku nooleyd magaalada Gaalkacyo.

Sarkaal katirsan laamaha amniga ayaa Puntland ayaa sheegay  in raggaani ay ku jiraan kuwo isku dayay inay baxsadaan oo ugu dambeyn lagu guulaystay in gacanta lagu soo dhigo.

“Ma jirto cid hadda ka maqan gacanta Maamulka oo ku lug lahayd kiiska  marxuum Caa’isha” ayuu yiri Sarkaal ka tirsan maamulka Puntland.

Ragga loo hayo kiiska Caa’isha oo la sheegay in ay gaarayaan Todoba nin ayaa waxay isugu jiraan shan nin oo kiisku ku cad yahay iyo labo nin oo loo haysto inay ku lug leeyihiin, kuwaasoo wali ay baaritaano ku socdaan.

Eedeysanayaasha ayaa maxkamad la soo taagidoonaa Todobaadka soo socda, sida ay sheegtay, waxaana sida Puntland kiiskan au u maareyso isha ku haya dhamaan shacabka Soomaaliyeed oo ka argagaxay sida arxan darada ah ee loo dilay gabadhaas yar.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

RW Rooble oo ka hor yimid talaabo uu qaaday Wasiirkiisa Arrimaha dibeda

Caydiid Ali

Maxaa ka baran karnaa Qaraxii lagu hoobtay ee ka dhacay Isgoyska Ex Kontrool Afgooye!!

admin

Dal Yurub kuyaala oo laga dalbaday in uu dib usoo celiyo farshaxanadii Afrika

Cabdi Cade
Taboola Ads ---