Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maamulka Isbitaalka SOS oo ka hadlay cunugii yaraa ee lagu xaday gudaha Isbitaalkaasi

Cunug yar oo saacado dhalnaa ayaa shalay oo jimco aheyd laga xaday Isbitaalka Hooyada iyo dhalaan ee SOS, waxaana dhacdadan ay noqotay mid si weyn looga hadal hayo magaalada Muqdisho.

Aabaha dhalay wiilka la xaday oo khamiistii lagu dhalay isbitaalka SOS ayaa Warbaahinta sheegay in cunugooda la xaday xalay maqribkii xili hooyada dhashay ay huruday, waxa uuna sheegay in aysan garanen ilaa hada cida xaday cunugooda yar.

Agaasimaha Isbitaalka SOS Dr. Maxamed Macalin Dhaqane oo ka hadlay dhacdadan ayaa sheegay in baaritaano ay sameeyeen ku ogaadeen in cunuga yar ay xaday haweeney uu sheegay in la socotay hooyada dhashay wiilka.

Waxa uu sheegay Agaasimaha in isbitaalkooda uusan arinaasi wax shaqo ah ku laheyn, waxa uuna cadeeyay in hooyada cunuga dhashay markii la keenay Isbitaalka la socdeen ninka qaba , gabar la dhalatay iyo sidoo kale gabar kale.

Dr. Maxamed Macalin Dhaqane ayaa xusay in xalay markii salaadii maqrib la aaday looga tagay gabadha hooyada la socotay cunuga yar, waxa uuna sheegay in xiligaasi hooyada dhashay cunuga ay sariir saarneyd oo ay huruday.

Dhacada cunugan yar lagu xaday ayaa noqotay mid hadal heyn badan ka dhalisay magaalada Muqdisho, ciidanka booliiska ayaana wada baaritaano ay ku ogaanayaan cunuga la xaday iyo sidoo kale cidii ka dambeesay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Boqortooyada Sacuudiga oo shaacisay beri ay tahay maalinta koobaad ee bisha Ramadaan

Cabdi Cade

Masaajid la dhisay 1,200 sano ka hor oo dhulka hoostiisa laga helay (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Samafale muddo 30 sanno ah gaarigiisa kusoo galbiya xujeyda Makka kusii jeeda

Cabdi Cade
Taboola Ads ---