Allbanaadir.com
NEWS

Al Shabaab oo Weerar culus ku qaaday Saldhigyo ay ku sugnaayeen ciidanka dowlada iyo …

Dagaalyahano aad u hubeesan oo katirsan Al Shabaab ayaa weerar culus ku qaaday saldhigyo ciidanka dowlada federaalka Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya kaga sugnaayeen duleedka Degmada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo.

Dagaal xoogan oo saacado badan socday ayaa dhax maray dagaalyahanada Al Shabaab iyo ciidamada huwanta ah, waxaana daryanka hubka culus iyo madaafiicda labada dhinac is dhaafsanayeen si weyn looga maqlayay degmada Garbahaarey.

Wali lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka culus ee labada ciidan dhax maray, waxaana saraakiil u hadashay dowlada iyo Al Shabaab mid kastaahi dagaalka ka sheegteen guulo wax ku ool ah.

Al Shabaab ayaa  weeraro culus ku qaada saldhigyada ay gobolada dalka ka joogaan ciidamada dowlada federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM , waxaana weeraradaasi uu khasaaro kasoo gaaraa dhinacyada dagaalama.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Al Shabaab oo war kasoo saartay weerar ay ka fulisay gudaha dalka Kenya 

Cabdi Cade

Shirkada Somtel oo Muqdisho kusoo bandhigtay adeegyo cusub (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Xamaas oo goor dhow soo saartay War naxdin & argagax ku noqday Israel

Caydiid Ali
Taboola Ads ---