Allbanaadir.com
NEWS

Wasiirka Amniga oo si adag uga hadlay Banaan baxyada Facebook laga abaabulayo

Wasiirka Wasaaradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Abuukar Isloow ayaa si adag uga hadlay banaan baxyo maalmihii lasoo dhaafay abaabulkiisa laga dareemayay baraha bulshada.

Wasiir Maxamed Abuukar Islow ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya aysan marnaba aqbali doonin banaan baxyada uu sheegay in laga abaabulayo baraha bulshada gaar ahaan barta Facebook.

Waxa uu sheegay Wasiirka in dadka degan magaalada Muqdisho lagu marin habaabinayay banaan baxyo aan jirin oo Facebooka laga abaabulayay, waxa uuna cadeeyay Wasiirka in aysan aqbali doonin banaan baxyo umada qal qal lagu galinayo.

”Maalmahan dadka waxaa lagu marin habaabinayay Facebooka oo laga sheegayay Banaan baxyo aan jirin iyo wax kale oo loo sheegayay, dadka waxaan leeyahay nabadiina ka shaqeysta,anagana waxaan nafteena u hureynaa waa amniga ee halaga wada shaqeeyo” Ayuu yiri Wasiirka Amniga.

Hadalka Wasiirka Amniga Xukuumada Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xili maalmihii lasoo dhaafay si weyn loo hadal hayay banaan baxyo la sheegay in ay abaabulayaan mucaaradka kuwaa oo looga soo horjeedo dowlada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo War kasoo saaray Doorashada Turkiga iyo Guusha Erdogan

Cabdi Cade

Dowlada Sudan oo Digniin adag hawada u marisay Dowlada Itoobiya xili xiisad u dhaxeyso

Cabdi Cade

Sargaal katirsanaa ciidanka Booliiska oo caawa lagu dilay Muqdisho iyo Madaxweyne ka hadlay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---