Waxaa maanta qarax ka dhacay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan lagu dilay masuuliyiin katirsan maamulka degmadaasi iyo sidoo kale ciidamo katirsan maamulka Hirshabelle.
Qaraxa ayaa lala eegtay goob ay ku sugnaayeen masuuliyiin katirsan maamulka degmada Maxaas iyo saraakiil ciidan, waxaana qaraxa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Dadka qaraxa ku dhintay waxaa ku jira Cabdi Rashid Cusmaan Carab oo ahaa guddoomiye ku xigeenka degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, waxaa sidoo kale qaraxa khasaaro kasoo gaaray ciidamo katirsan maamulka Hirshabelle.
Al Shabaab ayaa durba sheegatay masuuliyada qaraxa lagu dilay Gudoomiye kuxigeenka degmada Maxaas, waxa ay sidoo kale Al Shabaab sheegeen in qaraxa ku dileen sargaal booliis iyo ciidamo kale.
Masuuliyiin katirsan maamulka Hirshabelle ayaa xaqiijiyay qaraxa ka dhacay degmada Maxaas ee lagu dilay Gudoomiye kuxigeenka degmada Maxaas, waxaa ay sidoo kale masuuliyiin sheegeen in qaraxa uu dhaliyay khasaaro kale oo ciidan soo gaaray.