Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wasiirka arrimaha Dibeda ee Somalia oo la kulmay Dr. Ahmed El-Tayeb (Daawo Sawirro)

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa kula kulmay Magaalada Qaahira Imaamka weyn, Dr. Ahmed El-Tayeb oo ah Sheekha Azharka Shariifka.

Kulanka ayaa looga hadlay dhowr aragti oo la xiriirta xiriirka Soomaalida iyo Azharka Shariifka, si gaar ah waxaa loo eegay dib u howlgelinta Ergada Azhar iyo howlaheeda waxbarasho ee Soomaaliya iyo kolonyada gargaar iyo diin faafin ku qotanta manhajka toosan ee ka dhanka ah aragtiyada wax burburiya si looga hortago xagjirka iyo argagaxisada.

labada dhinac ayaa isku afgartay dhamaan qodobadii ay ka wada hadleen, waxaana kulankaas  goob joog ka ahaa masuuliyiin ka tirsan labada dhinac.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com  

Related posts

Gudoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay Francisco Caetano (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Cumar Filish oo albaabada ka xirtay qaar ka mid ah Masuuliyiinta degmooyinka Muqdisho

Caydiid Ali

Booliiska oo Muqdisho ku qabtay nin kufsaday Gabdho uu adeer u ahaa

Cabdi Cade
Taboola Ads ---