Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dowladaha Masar iyo Somalia oo qalinka ka duugay Saddex heshiis (Daawo Sawirro)

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa maanta oo Khamiis ah kula kulmay Magaalada Qaahira dhiggiisa Masar Mudane Sameh Shoukry.

Wadahadalka ayaa intiisa badan diiradda lagu saarray xiriirka walaalnimo iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Masar iyo habkii lagu xoojin lahaa, laguna horumarin lahaa dhinac waliba oo u adeegaya danaha labada dal iyo labada shacab ee walaalaha ah, waxa ayna is dhaafsadeen aragtiyadooda dhacdooyinka iyo horumarka gobolka iyo dunida.

Kadib markii uu idlaaday wadahadalka ballaaran, waxaa saxiixa lagu duugay seddex heshiis is afgarad oo ay ka mid yihiin abuuridda hab wadatashi siyaasadeed oo heer wasiir arrimo dibadeed oo labada dal ah, yagleelidda guddi wadaag ah oo ay hoggaamiyaan labada wasiir arrimo dibadeed iyo iskaashiga labada machad ee daraasaadka diblomaasiyadda Soomaaliya iyo Masar.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com  

Related posts

Jilaagii Guursaday Gabadha Soomaaliyeed oo la siiyay Dhalashada dal Afrika kuyaala  

Cabdi Cade

Taliyihii ciidanka ilaalinta hubka Nukliyeerka Ruushka iyo kuxigeenkiisa oo la dilay

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo oo howsha Doorashada iyo Amniga ku wareejiyay R/W Rooble

Cabdi Cade
Taboola Ads ---