Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ciidan Kumandos Soomaali ah oo tababar adag ku qaadanaya dalka Turkiga (Daawo Sawirro)

Qeybtii labaad ee ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo maalmo ka hor  gaaray dalkan Turkiga ayaa si rasmi ah waxaa uu tababar ugu bilaabmay xerada tababarka Ciidanka kumaandoska ee Magaalada Isparta ee dalkan Turkiga.

Ciidankan oo gaaraya dhowr oo askari ayaa tababarka ay qaadanayaan waxaa uu yahay mid aad u adag sida ka muuqato sawiro laga soo qabtay, iyagoo ku guda jira tababarka oo socon doona dhowr bilood.

Wasiirka gaashaandgiga Somalia oo maalmo ka hor la dardaarmay ciidankan tababarka loogu qaaday dalka turkiga ayaa ku booriyey iney ka faaiideystaan carbiska ciidan ee ay fursada u heleen.

Hoos ka daawo sawirada sida ay tababarka u qaadanayaan ciidamada loo qaaday dalka turkiga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com   

Related posts

Madaxweyne Xasan oo kormeeray ciidamada Cirka ee Eritrea lagu tababarayo (Sawirro)

Cabdi Cade

Dowladda oo shaacisay tirada Al Shabaab looga laayay weerarkii saakay ka dhacay Baar Sanguuni

Cabdi Cade

Biden oo qaadaya talaabo lagu dhabar jebinayo go’aankii OPEC+ iyo Sacuudiga

Caydiid Ali
Taboola Ads ---