Qaar kamid ah Wadamada Caalamka ayaa soo dhaweeyay wadahadalo laga yaabo in uu dhax maro Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump iyo Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un.
Wakaalada Wararka Caalamka qaarkood ayaa shaaciyay in Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa aqbalay inuu kulan fool ka fool ah la yeesho Madaxweynaha Kuuriyada Waqooyi .
Sarkaal sare oo ka tirsan Kuuriyada Koonfureed oo hoggaaminayay wafdi dhawaan ka soo laabtay booqasho ay ku tageen dalka Kuuriyada Waqooyi, ayaa sheegay in Kim Jon uu diyaar u yahay in uu la kulmo Dhigiisa Mareykanka .
Dowladaha Shiinaha, Kuuriyada Koonfureed iyo Ruushka ayaa si isku mid ah usoo dhaweeyay wadahadlka laga yaabo in ay markii ugu horeesay Yeeshaan Madaxweyne Trump iyo Kim Jon Un.
Wasiirka arrimaha dibadda Ruushka , Sergei Lavrov, ayaa sheegay in talaabo wanaagsan tahay in Madaxweynaha Mareykanka uu aqbalo la kulanka dhigiisa Kuuriyada Waqooyi, waxa uuna tilmaamay in wax wanaagsan ka filan doonaan kulankaasi.
Madaxwaynaha Kuuriyada Konfureed, Moon Jae-in, ayaa u mahadceliyay labada hogaamiye go’aanka adag ee ay qaateen, waxa uuna sheegay in go’aanka labada hogaamiye uu horseedi doono in Kuuriyada Waqooyi ay ka talabaxdo hubkeeda Niyukleerka.
Dagaal afka ah ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay waxa uu u dhaxeeyay Madaxda Dowladaha Mareykanka iyo Kuuriyada Waqooyi, waxa ayna labada hogaamiye marar badan hanjabaadyo culus hawada isku mariyeen.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com