Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ergeygii Q/Midoobay ee laga eryey Somalia oo Xil kale loo Magacaabay

Wakiilkii Qaramada Midoobay u qaabilsanaa Soomaaliya oo sannadkan horaantiisa ay dowladda Soomaaliya ka eriday dalka ayaa loo magacaabay xil kale.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa Nicholas Haysom u magacaabay inuu noqdo wakiilkiisa gaarka ah ee dalka Sudan oo dhowaan uu ka dhacay afgembi milateri, si uu Midowga Afrika ugala shaqeeyo arrimaha dalkaas ka aloosan.

Afhayeenka Qaramada Midoobay Stephane Dujarric ayaa arintan saxaafada u xaqiijiyey, isagoo xusay inuu ka qeyb qaadan doono nabadeynta xaalada Sudan.

Antonio Guterres ayaa magacaabista Haysom kala hadlay xoghayaha guud ee Midowga Afrika Muusa Mahmet Fiki oo ku sugan magaalada Addis ababa.

Magacaabista Haysom ayaa ka dhigan heerka kalsoonida lagu qabo ninkan bilo kadib markii ay dowladda Soomaaliya ku adkeysatay inuu ka baxo Muqdisho sida ay aaminsan dadka ku xeel-dheer siyaasada geeska Afrika.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada federaalka Somalia oo tacsi u dirtay shacabka iyo dowlada Faransiiska (Akhriso)

Caydiid Ali

Madasha Xisbiyada Qaran oo bogaadisay Dibad baxyadii ka dhacay Muqdisho

Cabdi Cade

Ma Ra’isul Xasan Cali Kheyre ayaa lagu badalayaa Ex Ra’isul Cali Maxamed Geedi?

Cabdi Cade
Taboola Ads ---