Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Taliyaha Booliska oo digniin soo saaray & gaadiidka shabaqlaha oo jidadka Muqdisho la soo dhigay

Taliyaha ciidanka Booliska Somalia Jen. Bashiir Cabdi Max’ed ayaa uga digay shacabka inay ka qeyb qaataan banaanbaxyo uu sheegay in dano gaar ah laga leeyahay oo beri laga qaban-qaabinayo Muqdisho.

Sidoo kale, taliyaha ayaa farriin u diray dadka wada abaabulada banaanbaxyada, isagoo u sheegay in banaanbax haddii la qabanayo loo maro wado sharci ah.

“Haddii uu banaan bax nabadeed yahay waa in ogolaansha looga heysto maamulka Gobolka, kan degmada ama laamaha amniga, wixii intaas ka baxsan lama aqbalayo” ayuu yiri taliyaha oo sheegay in ciidamada amniga ay ka hortegi doonaan cid kasta oo ku kacda falal lidi ku ah amniga.

Dhinaca kale, Ciidamada Booliska ayaa laga dareemay caawa diyaar garow ku aadan sidii ay ugu hortagi lahaayeen banaanbax la qorsheynayo inuu berri ka dhaco Muqdisho iyadoo, gawaarida shabaqlaha ee dadka lagu guro lagu arkayay waddooyinka Muqdisho qaarkood.

Siyaasiyiin caan ah, culumaaudiin iyo waxgarad kale ayaa ka digay in caasimada lagu qabto dibed-bax ka dhan ah amniga iyo xasiloonida, iyagoo ugu baaqay dadka abaabulaya iney arintaas ka waantoobaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Muxuu Cali Guudlaawe kala hadlay Guddiga Doorashada Hirshabelle? (Sawirro)

Caydiid Ali

Booliiska Mareykanka oo si xun ula dhaqmay Nin Madow ah iyo caro ka dhalatay (Sawirro)

Cabdi Cade

Ciidamo Gadoodsan oo saakay la wareegay Bangi kuyaala magaalada Boosaaso

Cabdi Cade
Taboola Ads ---