Dibed-bax la sheegay in looga soo horjeedo dowlada federaalka Somalia ayaa la filayaa inuu maalinta beri ah ka dhaco magaalada Muqdisho kaasoo wararku sheegayaan iney qaban-qaabadiisa wadaan siyaasiyiinta dowlada mucaaradsan.
La-taliyaha Madaxweynaha Somalia Salaad Cali Jeelle ayaa sheegay in dibed-baxan uu yahay mid lagu khal khal gelinayo amniga caasimada, ayna abaabulkiisa wadaan siyaasiyiin uu sheegay inuu ka mid yahay Raisul Wasaarihii hore ee Somalia Cumar C/rashiid iyo xubno kale oo uu ku eedeeyey iney taageere dhaqaale ka heleen dowlada Imaaraadka Carabta.
Hase ahaatee qaban-qaabiyeyaasha banaanbaxan ayaa sheegaya in dibed baxu yahay yahay mid nabadeed oo looga cabanayo xaaladaha amni iyo siyaasad ee ka taagan dalka, loogana codsanayo dowlada iney saxdo qaladaadka jira.
Sida ay inoo iloo xaqiijiyeen ilo wareedyo kala duwan oo lagu kalsoon yahay dowlada Somalia ayaa wada qorsheyaal ay ku fashilineyso dibed baxa beri la filayo, waxaana maanta magaalada Muqdisho lagu qabtay kulamo abaabulan oo banaanbaxaas lagu diidan yahay, kuwaasoo ay ka qeyb galeen, waxgarad, aqoonyahano, siyaasiyiin, haween iyo dhalinyaro.
Sidoo kale, Maamulka gobolka Banaadir ayaa caawa maamulada degmooyinka amar ku siiyey iney ilaalo gaar ah ka qabtaan xeryaha dadka barakacayaasha oo laga cabsi qabo in banaanbaxaas loo adeegsado.
Ciidamada Booliska iyo kuwa rabshadaha ka hortaga ayaa sidoo kale heegan la geliyey caawa, iyadoo dowladu ay si weyn uga walaacsan tahay in banaanbaxan uu noqdo mid rabshado wata oo khal khal lagu gelinayo amaanka caasimada.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com