Allbanaadir.com
NEWS

Qarax xoogan oo goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho

Waxaa daqiiqado yar kahor qarax xoogan oo laga maqlay qeybo badan oo magaalada kamid ah uu ka dhacay isgooska dabka ee magaalada Muqdisho, waxaana qaraxan lasoo sheegayaa in uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Sida aan wararka ku helnay Qaraxa ayaa ka dhacay Isooska dabka gaar ahaan afaafka hore ee Maqaayada Barwaaqo, waxaana wararka aan heleyno sheegayaan in qaraxa uu ka dhashay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay.

Goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa la sheegay in xiligaasi mashquul badan uu ka jiray, waxaana halkaasi marayay gaadiid kala duwan iyo mooto bajaaj , waxaa sidoo kale kuyaalay goobo ganacsi.

Gaadiidka gurmadka dega dega ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay halkaas oo ay ka qaadayaan dadkii ay waxyeeladu soo gaartay, waxaa sidoo kale ciidamada amaanka ay xireen wadooyinka soo gala goobta uu qaraxu ka dhacay.

Waxii warar ah ee kusoo kordha kala soco wararkayaga dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Saalax Khashoggi oo difaacay Boqortooyada Sacuudiga kana hadlay dilka Aabihiis

Cabdi Cade

Xulka dalka Ivory Coast oo ku guuleystay Koobka Qaramada Africa (Sawirro)

Caydiid Ali

RW Rooble oo arrin Muhiim ah kaga hadlay kulan ka dhacay Villa Somalia (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---