Waxaa magaalada Paris ee caasimada dalka Faransiiska ku gubtay dhismo qadiimi ah oo la dhisay qarnigii 12-aad, waxaana dhismahan astaan qiimo badan u ahaa magaalada Paris uu ku yaalay.
Dhismaha Notre-Dame oo dhisnaa mudo ka badan 850-sano ayaa xalay waxaa baabi’iyay qeybo kamid ah dab xoogan oo qabsaday, waxaana daminta dabkan ay qaadatay mudo 15-saacadood ah.
Dabka ayaa baabi’iyay qeybta sare ee dhismaha gaar ahaan taalo dheer oo dhismahaasi dusha sare uga taalay, waxa uu sidoo kale dabka waxyeelo xoogan gaarsiiyay qeybo badan oo kamid ah dhismahan oo caan ahaa.
Dhismahan qadiimiga ah ee dabku qabsaday ayaa aheyd mid qadiimi ah oo taariikh fog ku leh dalka Faransiiska, waxaana dhismahan ku dhax taalay mid kamid kaniisadaha ugu qadiimisan Qaarada Yurub.
Qaar kamid ah qalabkii muhiimka ahaa ee dhax yaalay dhismaha gubtay iyo kaniisada ayaa la bad baadiyay, waxaana qalabka la bad baadiyay ku jira kuwo qiimo badan ugu fadhiya Faransiiska.
Dabkan qabsaday Notre-Dame ayaa noqotay mid ay aad uga naxeen lana ilmeeyeen dad badan oo Faransiis ah iyo sidoo kale dad kale oo yaqaanay, waxaana dhismahan uu ahaa goob ay inta badan dadka Dalxiisayaasha ah tagi jireen.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com