Allbanaadir.com
NEWS

Nin hubeesan oo caawa lagu qabtay Muqdisho kadib dagaal uu la galay ciidamada amaanka

Ciidamada amaanka ayaa caawa xaafada Cali Kamiin ee degmada Wardhiigley waxa ay ku qabteen nin hubeesan oo la sheegay in uu galay guri xaafadaasi kuyaala xili ay eryanayeen ciidamada .

Ninkan hubeesan ayaa bambaano ku weeraray bar ay ciidamada amaanka kaga sugnaayeen meel aan ka fogeyn xaafada Cali Kamiin, waxaana ninkan ay eryadeen ciidamada uu galay guri dad shacab ah ku sugnaayeen.

Sida aan wararka ku helnay ninkan oo ku hubeesnaa biskoolad iyo bambooyin ayaa daqiiqado badan ka dhax dagaalamayay guriga uu galay, waxaana ugu dambeyn ciidamada la sheegay in ninkaasi ay dhaawaceen kadibna ay qabteen.

Howlgalka ninkan hubeesan ay ku qabteen ciidanada amaanka ayaa sidoo kale la sheegay in uu khasaaro kasoo gaaray ciidamada amaanka ee doonayay in ninkaasi hubeesan nolosha kusoo qabtaan.

Ciidamada amaanka ayaa maalmahan xoojiyay howlgalada lagu xaqiijinayo amaanka magaalada Muqdisho, waxaana howlgalkan lagu dilay ninka hubeesan caawa bogaadiyay saraakiisha laamaha amaanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Lacagaha Laga qaadayo Musharaxiinta Madaxweynaha iyo Guddoonka Baarlamaanka oo la shaaciyay

Cabdi Cade

Maxaa ka dhacay maanta xarunta ay ka socotay Shahaado bixinta xubnaha labada aqal?

Caydiid Ali

Tirinta codadka wareeega 1aad oo socota iyo Farmaajo oo illaa hadda ku horeeya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---