Ciidamada booliiska Soomaaliya ayaa la sheegay in ay fashiliyeen qaraxyo miino oo lagu aasay hareeraha laamiga isku xira magaalada Muqdisho iyo Degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.
Taliye Ku-xiggeenka Booliska Soomaaliya Jeneral Zakiya Xuseen Axmed oo Warbaahinta la hadashay ayaa shaacisay in ciidamada amaanka howlgal ay sameeyeen ku soo saareen qaraxyo miinooyin nuuca taangiyada oo lagu aasay Laamiga isku Xira Muqdisho iyo Afgooye .
Waxa ay sheegtay taliyaha in ciidamada qaraxyadaasi ku fashiliyeen xog ay heleen ciidanka booliiska, waxa ayna taliyaha sheegtay in qaraxyadan miino ee ciidamada soo qabteen in waxyeelo lagu geesto.
Dhinaca kale  Jeneraal Zakiya Xuseen Axmed ayaa sheegtay in ciidamada amaanka howlgalo ay sameeyeen kusoo qabteen 16-ruux oo lagu tuhmayo in Al Shabaab katirsan yihiin iyo sidoo kale ruux kale oo gacanta kula jiray falal amaanka lidi ku ah.
Ciidamada booliiska Soomaaliya ayaa maalmahan howlgalo balaaran waxa ay ka wadaan magaalada Muqdisho, howlgaladan ayaana ah kuwa lagu xaqiijinayo amaanka caasimada oo maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayeen dilal iyo qaraxo.