Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Siyaasi caan ah oo shaaciyey Magacyada dalal diidan soo saarida Shidaalka Soomaaliya

Siyaasiga Soomaalida Kenya Faarax Macalin Dawaare ayaa sheegay in howshii baarista iyo soo saarista shidaalka iyo Gaaska Soomaaliya ay hakatay, kadib markii dalal shisheeye ay cadaadis saareen madaxda dowladda Soomaalya.

Wuxuu sheegay in la baajiyey shirarkii daba socday bandhigii shirkii London ee Febraayo 2019 oo kal ahaa shir farsamo oo ka dhici lahaa magaalada Addis ababa, shirkii labaad ee Turkiga iyo weliba shir kale oo ka dhici lahaa dalka Mareykanka, taasoo caddeyn ah in jilbaha loo dhigay howshii.

Faarax Macalin oo taageere weyn u ah Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal Wasaare Kheyre ayaa dalalka Carabta sida Sacuudiga, Imaaraadka Carabta iyo Qatar ku eedeeyay inaysan ogoleyn soo saarka shidaalka Soomaaliya, ayna ka mideysan yihiin arrintaasi.

Wasiirka Batroolka Xukuumadda Soomaaliya ayuu ku eedeeyay inuu shaqadii ka eryay aqoonyahanadii ugu waaweyna ee mashruucan waday, kuwaasoo afar xubnood ahaa, iyadoo saddex ka mida shaqadii laga joojiyey, laguna bedelay dad kale, taasoo dhabarjab ku ah howshii ay wadeen oo Soomaaliya ka dhigi lahayd dal qani ah.

Faarax Macalin ayaa wareysi uu siiyay telefishanka Dalka ku sheegay in madaxda Soomaalida aysan lahayn adkeysi iyo ka go’naansho ay talada danaha qarankooda ku qaataan, una nugul yihiin cadaadiska dalalka dibadda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com 

Related posts

Shirka Golaha Wadatashiga oo ka dhacaya Kismaayo iyo Sababta keentay

Cabdi Cade

Axmed Madoobe oo kulan la yeeshay Wakiillo katirsan Beesha Caalamka (Sawirro)

Cabdi Cade

Booliiska Muqdisho oo maanta xiray Oday wax ka sheegay hay’adaha garsoorka dalka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---