Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Akhriso: Magacyada qaar ka mid ah Gudoomiyeyaasha cusub ee degmooyinka Muqdisho

Maamulka gobolka Banaadir ayaa xilka ka qaaday qaar ka mid ah degmooyinka Muqdisho, halka kuwo kalena la isku bedelay.

Talaabadan ayaa saameysay lix ka mid ah degmooyinka caasimada oo kala ah Dharkeynley, Shibis, C/casiis, Kaaraan, H/wadaag iyo Wadajir.

Gudoomiyihii Dharkeynley C/Raxmaan Sayid Cali ayaa loo wareejiyey degmada Shibis, waxaana gudoomiyaha cusub ee Dharkeynley loo magacaabay Abuukar Axmed.

C/raxmaan Cali ayaa waxaa loo magacabay gudoomiyaha cusub ee degmada Wadajir, iyadoo Sabaax Cabdullahi isna laga dhigay gudoomiyaha degmada C/casiis.

Guddoomiyihii Degmada Howlwadaag C/Kariin Cali Kaar ayaa isna xilkiisa waayey,  waxaana xilkaas loo magacaabay Mustaf Cali Kheyre, iyadoo gudoomiyaha cusub ee degmada Kaaraan loo dhiibay Abshir Kaaraan.

Wararka qaar ayaa sheegaya in gudoomiyeyaaha xilkooda waayey oo kala ah Kaaraan, C/casiis, Wadajir, H/wadaag iyo Shibis loo magacaabay qaarkood xilal agaasimeyaal.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com 

Related posts

Wararkii ugu dambeeyey wiil Bajaajle ah caawa lagu toogtay Muqdisho

Caydiid Ali

Madaxweyne caan ah oo la kulmay oo maxbuus 40 sano ku jiray xabsi (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaafiic goordhaw lagu garaacay Suuqa Bakaaraha iyo Khasaaro ka dhashay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---