Allbanaadir.com
NEWS

Dowlada Soomaaliya oo u mahad celisay Dowlada Ruushka (Daawo Sawirada)

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa kula kulmay maanta oo Isniin ah Magaalada Moscow dhiggiisa Ruushka Mudane Sergey Lavrov.

Intii lagu guda-jiray kulanka, waxa ay ka wada hadleen siyaabaha lagu xoojin karo xiriirka laba geesoodka iyo iskaashiga, sidoo kale waxa ay isla eegeen dhowr arrimood oo heer gobol iyo caalami ah.

Mudane Danjire Axmed Cawad waxa uu uga mahadnaqay Ruushka is garab taaggiisa Soomaaliya fagaarayaasha caalamiga, isaga oo ku nuuxnuuxsaday muhiimadda ay leedahay horumarinta xiriirka labada dal iyo taabagelinta heshiisyada wax wadaag ee heerarka kala duwan leh.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa gaaray duhurnimadii maanta Magaalada Moscow si uu uga qeybgalo Shirka heer Wasiir arrimo dibadeed ee meertada shanaad ee Madasha Iskaashiga Ruushka iyo Carabta oo furmi doona beri oo Talaado ah (16 April).

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxaa ka jira in Ciidankii ku maqnaa Eritrea oo lasoo wado & Shaki wayn oo laga qabo (XOG)!!

admin

Go’aanno kasoo baxay shir ay maanta yeesheen Golaha Wasiiradda Maamulka Somaliland

Cabdi Cade

Faahfaahin: Dagaalo lagu hoobtay oo ka dhacay duleedka degmada Wanlaweyn

Caydiid Ali
Taboola Ads ---