Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Faahfaahin: Weerar dhowr qof lagu dilay oo xalay ka dhacay duleedka Muqdisho

Kooxo hubeysan oo watay gaari yar ayaa xalay degaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Magaalada Muqdisho ku dileen saddex ruux oo shacab ahaa, iyagoo ka dibna goobta ka baxsaday.

Falkan ayaa dhacay ka dib markii ragga hubeysan ay rasaas ku fureen gaari nooca raaxada ah oo marayay wadada dhexmarta degaanka ceelasha Biyaha, waxaana rasaasta ku geeriyooday Saddexda qof ee geeriyooday oo watay gaariga la rasaaseeyey.

Goobjoogayaal ayaa waxay sheegeen in weerarka ka dib ay goobta soo gaareen ciidamada dowlada oo halkaas ka qaaday meydka dadka la dilay.

Ma cada waxa ay ahaayeen saddexda ruux ee gaarigii ay saarnaayeen lagu lagu dilay, sababta loo beegsaday iyo cidda ka dambeysa dilkooda, waxaana dhacdadaas aad uga argagaxay dadweynaha ku nool degaanka Ceelasha Biyaha oo illaa saaka si weyn u hadal haya dhacdadan.

Weerarkan ayaa ku soo beegmaya xilli todobaadyadii la soo dhaafay ay ciidamada Dowladda ka fulinayeen howlgallo kala duwan, isla markaana ay ku soo qabteen hub iyo waxyaabo qarxa, saraakiisha amniga dowladana kama hadlin dhacdadii xalay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Baaritaano ku socda Madaxa kooxda Wagner ee halista galiyay Madaxweyne Putin

Cabdi Cade

Duqa Muqdisho oo tagay goobtii uu ka dhacay qaraxii Is-miidaaminta ahaa (Sawirro)

Cabdi Cade

Socodka dadka & gaadiidka ee Garowe & Laas-caanood oo amar culus laga soo saaray (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---