Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Ku-xigeenkii Hogaamiyaha kooxda Daacish-ta Somalia oo duqeyn lagu dilay

Mas’uuliyiinta Maamulka Puntland ayaa sheegay in duqayn lagu dilay hoggaamiye sare oo ka tirsan kooxda Daacish Somalia.

Wasiirka Amnga Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan ayaa sheegay in duqaynta oo maanta dhacday lagu dilay Cabdixakiim Dhoqobeed oo ah ku xigeenka Shiikh Cabdulqaadir Muumin oo ah hogaamiyaha kooxda daacishta Somalia.

Qof kale oo aan weli la aqoonsan ayaa la sheegay inuu la dhintay ninkaasi, iyadoo duqeyntan ay ka dhacday tuulada xariiro ee Duleedka degmada Isku-shuban ee Gobalka Bari.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dayuurad dagaal ay gantaal la heshay gaari ay la socdeen raggan oo ku safrayey degaanka Xariiro meel ku dhow.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Oradyahanad caan ah oo si arxandarro ah loo dilay iyo Baaris socota

Cabdi Cade

Dagaalyahano ka tirsan Al shabaab oo isku soo dhiibay dowlada Somalia (Sawirro)

Caydiid Ali

Al Shabaab oo gubtay 7-gaari oo xamuul siday iyo Dowlada oo War kasoo saartay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---