Xildhibaanada Golaha shacabka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeeshay xaruntooda, waxaana Xildhibaanada su’aalo weediinayeen xubno uu ku jiro kusimaha Taliyaha Hay’ada Nabad sugida Fahad Yaasiin.
Kulanka Xildhibaanada ayaa laga mamnuucay Warbaahinta waxaa sidoo kale Xildhibaanada lagu soo rogay amaro ah in ay damiyaan telfoonada sidoo kale Hal su’aal xubnaha horjooga weediiyaan iyaga oo heesta mudo hal daqiiqo ah.
Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay in sababta Baarlamaanka Warbaahinta maanta looga celiyay Xildhibaanada telfoonada looga damiyay uu yahay is qariska Fahad Yaasiin oo ah nin neceb in Warbaahinta aragto ama soo muuqdo.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa Fahad Yaasiin ku tilmaamay mid is qarinaya sida Hogaamiyihii la dilay ee Al Shabaab Axmed Godone, waxa uuna tilmaamay waxii maanta Baarlamaanka ka dhacay Fahad dartiis loo sameeyay.
”Baarlamaankee? kan la leeyahay hal daqiiqo hadal, taleefanka demi, warbaahinta celi, ha waydiin hal su’aal ka badan, aamus ee fariiso, Waxaas oo idil na waxa loo yeelayaa wiil sidii Axmad Godane is qarinaya dartii”ayuu yiri Cabdiraxmaan Cbadishakuur.
Fahad Yaasiin oo hada ah kusimaha taliyaha Hay’ada nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka ayaa ah nin aan inta badan lagu arag fagaaraaasha , waana nin jecel in uu mar walbo is qariyo .
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com