Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Hogaamiyaha cusub ee Sudan oo bayaankiisii ugu horeeyey soo saaray

Hoggaamiyaha Golaha Sare ee Milateriga dalka Suudaan ee talada dalkaasi la wareegay Gen. C/fataax Burhaan ayaa soo saaray bayaankiisii ugu horeeyay isagoo sheegay inuu talada sii heyn doono muddo labo sano ah, kadibna lagu wareejin doono xukuumad rayid ah.

Bayaanka ayuu ku sheegay in xabbad joojin ay dalkaasi ka dhaqan gashay, siiba gobollada ay dagaalada sokeeye ka jireen, isla markaana wuxuu ku dhawaaqay in la sii daayo dhammaan maxaabiista siyaasadeed iyo dadkii loo xirxiray bannaanbaxyadii dalkaasi ka socday.

C/fataax Burhaan Bayaankiisa ka akhriyey telefishanka dalkaasi ayaa sheegay in ciidamada dalka Sudan ay kaliya ku koobnaan doonaan labada wasaaradood ee Gaashaandhigga iyo arrimaha gudaha.

Hoggaamiya cusub ee Sudan C/fataax Burhan oo xilka kala wareegay wasiirkii hore ee gaashaanshigga Cawad Bin Cawf oo hal maalin xikaasi hayey ayaa sheegay inuu meesha ka saaray bandowgiii dalkaasi lagu soo rogay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Faahfaahin: Weerar qaraxyo ku bilowday oo ka dhacay degaan ka tirsan J/hoose

Caydiid Ali

NISA oo shaacisay iney xirtay in ka badan 12 kun oo Akoon

Caydiid Ali

Puntland oo heegan sare gelisay ciidankeeda iyo amniga dekeda Garacad oo la xoojiyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---