Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cabdirahman Cumar Cusman Yariisow ayaa ka hadlay dil arxan daro ahaa oo saakay askari katirsan ciidanka booliiska Isgooska Howlwadaag ugu geestay labo qof oo shacab ah.
Duqa magaalada Muqdisho ayaa cambaareeyay dilka loo geestay Nin dhalinyaro ah oo wade ka ahaa Mooto Bajaaj iyo ruux kale oo la socday Mootada, waxa uuna sheegay Yariisow in gacanta lagu soo dhigayo askariga dilka geestay.
Yariisow ayaa ugu baaqay dhalinyarada ku shaqeesata Mooto bajaajta ee dhigaya banaan baxa rabshadaha wata in ay ilaaliyaan nidaamka iskana ilaaliyaan dad uu sheegay in ay ku dhax dhuumanayaan .
”Waxaan cambaareyneynaa dilka loogeystay darawalkii Bajaajka iyo shaqsigii la saarnaa. Booliiska baa ku raadjooga askarigii dilka geystay. Fadlan dhalinyarada Bajaajleyda ha illaaliyaan nidaamka oo dadka ku dhexdhuumanaya ee rabshadaha wada ha iska fogeeyaan. Si nabad ah aan shucuurteena u muujino. Waxaan u tacsiyadeynayaa qoyskii ay ka geeriyoodeen labada marxuum” Ayuu yiri Duqa Muqdisho.
Isgooska Howlwadaag ayaa waxaa ka socda banaan bax xoogan ay dhigayaan dhalinyarada mooto bajaajta ku shaqeesata iyo waliba dad shacab ah, waxa ayna kaga soo horjeedaan banaan baxa dil saakay isgooska loogu geestay labo qof oo shacab ah.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com