Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xildhibaanada Golaha shacabka oo maanta kulan xasaasi ah yeelanaya iyo Warbaahinta oo…

Xildhibaanada golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa in ay kulan ku yeeshaan xaruntooda magaalada Muqdisho , kulanka ayaana ajandaha looga hadli doono noqon doona xaalada amaanka.

Gudoonka golaha shacabka ayaa ku wargaliyay Xildhibaanada in ay kulanka kasoo qeyb galaan ayna ilaaliyaan waqtiga, waxa uuna Gudoonka shaaciyay in ajandaha uu wali yahay ka doodista amaanka dalka.

Kulankii ugu dambeeyay ee Xildhibaanada golaha shacabka isugu yimaadeen ayaa buuq kusoo dhamaaday, waxaana hada la sheegay in Xildhibaanada xal ka gaareen xiisadihii hore laguna heshiiyay in nidaamka la ilaaliyo.

Kulanka maanta looga doodayo amaanka ayaa la sheegay in loo ogolaaday in Warbaahinta goob joog ka noqdaan, Xildhibaanada ayaana si adag uga doodi dooda xaalada amaan ee dalka gaar ahaan Muqdisho.

Dooda Xildhibaanada kadib ayaa la filayaa in kulanka xiga ay yeelanayaan ay ku hor imaan doonaan Wasiirada Amniga , Gaashaandhiga iyo taliyaasha ciidanka si ay su’aalo uga jawaabaan, waxaana kulankaasi aan loo ogolaan doonin ay baahiyaan Saxaafada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Qoraal Caawa laga soo saaray Xafiiska Gudoomiye Maxamed Sheekh Jawaari (Akhriso)

Cabdi Cade

Boqorka Sacuudiga oo si fool xun u bahdilay Wasiirkii ugu tunka weynaa dowlada

Caydiid Ali

Iska horimaad Gaalkacyo ku dhexmaray Maleeshiyo kala taabacsan Puntland & Galmudug

Caydiid Ali
Taboola Ads ---