Xildhibaan Mahad Salaad oo ka mid ah Xildhibaanada sida weyn u mucaaradsan Madaxda dowladda Somalia ayaa bartiisa Facebook soo dhigay qoraal uu ku sheegay inaysan aqbali karin in dowlada Imaaraadka Carabtu aflagaado u geysato Madaxweynaha Soomaaliya Maxamaed C/llaahi Farmaajo.
Dagaalka iyo siyaasadaha guracan ee dowlada imaaraadka Carabtu kula dhaqmeyso Soomaalida ayaa u muuqda inuu mideynayo dowlada federaalka iyo siyaasiyiinta mucaaradsan.
Qoraal kulul oo xildhibaan Mahad Salaad soo dhigay baraha bulshada ayaa u qornaa sidan:-
Madaxdeena in dowlado shisheeye ku xadgudbaan waxay ka dhigan tahay midnimada iyo madax-banaanida Soomaaliya oo meel looga dhacay!
Weerarka lagu hayo Madaxda Soomaaliya ee ka socda baraha bulshada (Social media) ayna gadaal ka riixayso Dowlada Imaaraadka Carabta wuxuu xadgudub labaad ku yahay madax-banaanida iyo jiritaanka dowladnimada Soomaaliya.
Madaxweyne Farmaajo inkastoo siyaasad ahaan aan dhaliilsanahay haddana waa Madaxweynihii dalka, maqaam iyo hab-maamuus gaar ah ayuuna leeyahay, wuxuuna astaan u yahay midnimada iyo qaranimada Soomaaliya sida ku cad qodobka 87aad ee Dastuurka KMG ah, in si shaqsi ah dowlado shisheeye ugu xad gudbaana waxay ka dhigantahay sharafta, karaamada iyo madax-banaanida dalka oo meel looga dhacay. Mana aqbali karno in Dowlado shisheeye ay u gafaan madaxdeena iyaga oo ka tarjumaya dano liddi ku ah midnimada, madax-banaanida iyo dowladnimada Soomaaliya, waana inaan meel uga soo wada jeesanaa.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com