Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wararkii ugu dambeeyey dhaqaatiir ajaaniib ah oo laga afduubtay Mandhera

Waxaa soo baxaya faahfaahino ku saabsan Koox hubeysan oo saaka laba dhaqtar oo u dhashay dalka Cuba ka afduubtay xuduudda Kenya la wadaagto Soomaaliya, xilli ay shaqo u socdeen, waxayna sidoo kale toogasho ku dileen sarkaal Boolis ah oo ilaalinayey.

Warbaahinta gudaha Kenya ayaa weriyey in booliska ay rumeysan yihiin in kooxda Al-Shabaab ee dalka Soomaaliya ay afduubteen dhaqaatiirtan.

Afhayeen u hadlay booliska Kenya, Charles Owino ayaa sheegay in dableyda oo watay laba baabuur oo Toyota ah ay joojiyeen baabuur siday dhaqaatiirta Cuban-ka ah iyo laba sarkaal oo la socotay, xilli ay marayeen bartamaha magaalada Mandhera.

“Hal sarkaal ayey toogasho ku dileen, kadibna baabuurtoodii iyo dhaqaatiirtii ayey kala gudbeen xuduuda Soomaaliya” ayuu yiri Owino.

Lama oga xaaladda uu ku sugan yahay sarkaalka labaad ee booliska oo ay wateen kooxda afduubka geysatay, balse waxaa socda howlgalo.

Owino ma sheegin cidda fulisay weerarka. Hase yeeshee, kooxda Al-Shabaab ayaa horey u sheegatay Mas’uuliyadda weeraro dhowr ah oo ka dhacay gobolka Waqooyi Bari Kenya, kuwaasoo lagu dilay rayid iyo shaqaale amni.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Puntland oo War ka soo saartay qoraal la sheegay in C/wali Gaas uu u diray Madaxweyne Farmaajo (Akhriso)

Caydiid Ali

Madaxweyne Trump oo dhambaal yaab leh u diray dhigiisa Kim Jong-un

Caydiid Ali

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan degdeg ah isugu yeeray Guddiga joogtada ee Golaha Shacabka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---